,

Soomaaliya Ma U Diyaarsan Tahay Ebola?

Muqdisho – Dowladda Mareykanka ayaa qaaday tallaabooyin adag oo dhanka socdaalka ah si looga hortago faafitaanka cudurka halista ah ee Ebola, xilli cudurku dib uga soo laba kacleeyay dalal ka tirsan qaaradda Afrika. Mareykanka ayaa sheegay in dadka dhawaan booqday dalalka uu cudurku ka dillaacay, sida Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, Uganda iyo Koonfurta Suudaan,…

Khatar cudurka Ebola ah oo kusoo dhowaanaysa Soomaaliya iyadoo khubarada caafimaadku ka digayaan faafitaanka cudurka.

Muqdisho – Dowladda Mareykanka ayaa qaaday tallaabooyin adag oo dhanka socdaalka ah si looga hortago faafitaanka cudurka halista ah ee Ebola, xilli cudurku dib uga soo laba kacleeyay dalal ka tirsan qaaradda Afrika.

Mareykanka ayaa sheegay in dadka dhawaan booqday dalalka uu cudurku ka dillaacay, sida Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, Uganda iyo Koonfurta Suudaan, lagu samayn doono kormeer caafimaad oo adag. Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in laga hortago in Ebola uu gaaro gudaha Mareykanka.

Dhanka kale, Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka digtay in dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Kenya, Itoobiya, Tansaaniya, Angola, Burundi, Rwanda iyo Zambia ay wajahayaan khatar sare oo la xiriirta cudurkan.

Soomaaliya ayaa sidoo kale wajahaysa walaac sii kordhaya maadaama cudurka uu kusoo dhowaanayo xuduudaheeda. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay digniin ku saabsan Ebola, balse weli lama shaacin qorshe ballaaran oo lagu xakameynayo cudurka haddii uu dalka soo gaaro.

Khubarada caafimaadka ayaa tilmaamaya in Soomaaliya ay tahay dal nugul sababo la xiriira xuduudaha furan ee ay la wadaagto Kenya iyo Itoobiya, halkaas oo uu ka jiro isu socod badan oo dadka iyo gaadiidka ah.

Waxaa sidoo kale la sheegay in aan weli si buuxda loo hirgelin nidaamyo adag oo lagu baaro dadka ka imaanaya meelaha uu cudurku saameeyay, gaar ahaan xuduudaha iyo garoomada diyaaradaha ee dalka.

Cudurka Ebola ayaa horey u sababay dhimashada boqolaal qof oo ku nool Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo. Maadaama uu yahay cudur si degdeg ah u faafa isla markaana leh heer dhimasho oo sare, khubaradu waxay ku baaqayaan in Soomaaliya ay qaaddo tallaabooyin degdeg ah oo lagu xoojinayo ilaalinta caafimaadka iyo kormeerka xuduudaha.

Dad badan ayaa hadda is weydiinaya in Soomaaliya ay diyaar u tahay ka hortagga Ebola haddii uu gudaha dalka soo gaaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *