Muqdisho – Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay dib ugu laabtaan miiska wada-hadallada, kadib markii ay fashilmeen kulamadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.
Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu xiriir la leeyahay dhammaan dhinacyada siyaasadda, isla markaana uu taageerayo wada-hadal iyo tanaasul si looga gudbo ismariwaaga ka taagan arrimaha doorashooyinka.
“Ma taageereyno dhinac gaar ah, balse waxaan dhiirrigelinaynaa wada-hadal lagu gaaro xal waara,” ayay tiri Di Mauro.
Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa iyaduna walaac ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo ugu baaqday Dowladda Federaalka iyo mucaaradka inay sii wadaan wada-hadallada si heshiis looga gaaro khilaafka doorashooyinka.
Beesha caalamka ayaa dadaal ku bixinaysa sidii dhinacyada siyaasadda Soomaaliya loogu soo celin lahaa miiska wada-xaajoodka, iyadoo weli ay taagan tahay xiisadda la xiriirta doorashooyinka iyo khilaafaadka siyaasadeed.













