Dad badan ayaa mararka qaar waaya Gmail-kooda kadib markii ay illoobaan password-ka ama ay lumiyaan telefoonkii ay ku login gareeyeen. Nasiib wanaag, Google wuxuu leeyahay hab lagu soo celin karo Gmail account-kaaga.
Qoraalkan waxaan ku sharxi doonaa sida Gmail loo soo celiyo si fudud adigoo isticmaalaya telefoon ama computer.
Akhri sidoo kale: Sidee Gmail Password Loo Badalaa
Maxaa Keena Inaad Waydo Gmail-kaaga?
Waxaa jira sababo badan oo keeni kara inaad waydo Gmail-kaaga, sida:
- Password-ka oo la illoobo
- Telefoon cusub
- Number-ka oo luma
- Qof kale oo account-ka gala
- Recovery email aan la haysan
Sidee Gmail Loo Soo Celiyaa?
Raac tallaabooyinkan si aad Gmail-kaaga dib ugu hesho.
1. Tag Google Recovery Page
Marka hore fur bogga recovery-ga Google: https://accounts.google.com/signin/recovery

2. Geli Gmail-kaaga
Qor email-ka Gmail-ka aad rabto inaad soo ceshato.
Kadib guji: Next

3. Xaqiiji Inaad Adiga Tahay
Google wuxuu ku waydiin karaa:
- password hore
- number telefoon
- verification code
- recovery email
Dooro habka aad heli karto.

4. Samee Password Cusub
Marka laguu xaqiijiyo account-ka:
- geli password cusub
- ku celi markale
Waxaa fiican inaad isticmaasho password adag oo ammaan ah.
Tusaale:Moha2026

5. Xooji Ammaanka Gmail-kaaga
Si mustaqbalka aadan mar kale u lumin account-ka:
- ku dar number telefoon
- ku dar recovery email
- isticmaal 2-step verification
Tani waxay kordhinaysaa ammaanka account-kaaga.
Maxaa La Sameeyaa Haddii Recovery-gu Shaqayn Waayo?
Haddii aad heli waydo:
- number-ka
- recovery email
- password hore
isku day:
- qalabkii aad horay uga login samayn jirtay
- internetkii caadiga ahaa
- browser-kii hore
Google wuxuu si fiican u aqoonsan karaa.

Gmail Ma Lagu Soo Celin Karaa Telefoon?
Haa. Waxaad Gmail-kaaga ku soo celin kartaa:
- Android
- iPhone
- computer
Habka recovery-gu waa isku dhow yahay dhammaan qalabka.
Gunaanad
Soo celinta Gmail account-ka waa hawl fudud haddii aad haysato xogta muhiimka ah sida telefoon ama recovery email. Waxaa muhiim ah inaad account-kaaga ilaaliso si aadan mar kale u lumin.
Hudhud Report wuxuu sii wadi doonaa hagitaanno Somali ah oo ku saabsan technology-ga iyo internet-ka.













